Imaamkii Meydkiisa La Helay Ee Sheekh Maxamed Xasan Oo Lagu Aasay Maraykanka

Waxaa maanta magaaladda Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka lagu aasay Allaha u naxariisto ee Imam, Sheekh Dr. Maxamed Xassan oo la dilay, meydkiisana la helay todobaadkii hore.
Boqolaal qof oo goboladda kala duwan ee dalka Mareykanka iyo dalal kale ka yimid ayaa maanta salaadii Janaazadda ku tukaday Marxuun Imam Dr. Maxamed Xassan masaajidka iyo Xarunta Islaamka ee Ibnu Taymiyah. Sheekh Maxamed ayaa kaddib lagu aasay Qabuuraha Islaamka magaaladda Columbus ee ku yaala Wadada Sunbury.
Haddaba Imam Sheekh Maxamed Xassan oo la waayey habeenkii bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey maalintii December 24, 2021.
Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysay dilka Imam Dr. Maxamed Xassan. Haddaba waxaa beri oo jimco ah taariikhduna ay tahay December 31, 2021 salaada jimcaha kaddib magaaladda Columbus ee gobolka Ohio lagu qabanayaa banaanbax cadaalad loogu raadinayo Allaha u naxariisto ee Imam Dr. Maxamed Xassan.
Banaanbaxa cadaalada loogu raadinayo Imam Dr. Maxamed Xassan ayaa bilaabanaya 2:00 duhurnimo, wuxuuna socodka banaan baxu ka bilaabanayaa kaniisadda First Congressional Church, wuxuuna socodku ku dhamaanayaa Aqalka looga arrimiyo magaaladda Columbus ee City Hall-ka.
Xigashadda sawiradda qaarkood: The Columbus Dispatch

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker