Kenya Oo Amaantay Darawal Soomaali ah Oo Alshabaab ka Badbaadiyay 8 Qof oo Kenyan Maseexiyiin ah

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Onesmus Kyatha ayaa sheegay in Darawal Soomaali Kenyan ah uu badbaadiyay Nolosha Sideed qof oo aan Muslim aheyn, kuwaasoo ay toogan lahaayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dadkan oo ah shaqaalaha dhismaha ay ka soo bexeen magaalada Ceel-Waaq, iyagoo ku sii jeeday xaafadohooda, waxaana dhexda u gashay dabley ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qiyaasay 10 dagaalyahan hubeysan.

Darawalka waday Gaadhiga Caasiga ah ayaa la sheegay in Al-Shabaab ku amreen inuu istaajiyo, si ay u hubiyaan cida uu wado, darawalka ayaa qaboojiyay Gaadhiga si amarkii la siiyay uu u qaato, balse Gaadhiga ayuu mar kaliya xawaarihiisa xoojiyay, xilligaas oo uu ku soo dhawaaday Kontrolkii Kooxda Al-Shabaab ay joogeen.

Guddoomiye Onesmus Kyatha ayaa ammaan u jeediyay geesinimada darawalka iyo badbaadada uu sameeyay, wuxuuna sheegay inay Shabaabku wada toogan lahaayeen shaqaalahan hadii uu gaadhiga u istaajin lahaa, iyadoo uu gaariga si xowli ah ku waday xilli uu Taayarada ka banjarsanaa, maadaama ay Al-Shabaabka rasaas xooggan ku rideen.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Onesmus Kyatha ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaca wadaha gaarigan arrimo amni darteed, wuxuuna tilmaamay in rakaabkii uu waday ay tageen Mandheera, iyagoo nabad qaba, halkaasoo ay ugu tageen Saraakiil ammaanka qaabilsan.

Al-Shabaab ayaa horay toogasho ku dilay Gobolka waqooyi bari dadka Kenyanka aan Muslimka aheyn, waxaana dhowr jeer ay kala dageen gaadiid ay saarnaayeen, dabadeedna ay toogteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker