Kenya Oo Maxkamada ICJ U Gudbisay Dacwad la Xidhiidha Muranka Badda Somaliya.
Kenya ayaa mar kale dib ugu noqotay maxkamadda qaadaysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo ka dalbatay in wakhtiga loo kordhiyo, waxaanay Kenya ku doodaysaa inay ku yartahay 2-da bil ee la siiyey oo ku eg 4-ta November ee sanadkan sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi.
Kenya ayaa horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaadho meel ka baxsan maxkamadda ICJ ay hadda dib ugu laabatay.
Maxkamadda ICJ ayaan weli Soomaaliya soo gaadhsiin warbixin la xidhiidhta dalabka cusub ee Kenya ka yimid
Ma cadda waxa Soomaaliya ka yeeli-doonto haddii la soo gaadhsiiyo in Kenya dalbatay waqti ka badan kii ay Maxkamaddu u qabatay ee 4-ta NovembeR Ee Sannadkan ahaa.
Dowlada Kenya oo ka caga jiideysa dacwada Badda ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, hase ahaatee waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November, iyadoo Kenya ay ka niyad jabsan tahay inuu shaqeyn waayey rabiteenkeeda ah in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamada ICJ.