Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Oo la Kulmay Safiirka Sweden Ee Somaliya.

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr Staffan Tillander.

Kullanka dhexmaray labada mas’uul ayaa waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya labada dal iyo xoojinta taageerada Sweden siiso Somalia.

Waxay sheegeen labada dhinac inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyadoo danjiruhu sheegay in dowladiisu qorsheynayeyso iney labo jibaarto taageerada ay siiso Somalia oo haatan ka soo kabaneysa burbur iyo dagaalo.

 

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa kaga mahad celiyay dowladda Sweden taageerada iyo garab istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker