Madaxwayne Trump oo Xilkii ka Qaaday Xoghayihiisii Gaashaandhigga Mike Esper

Madaxweyne Donald Trump oo ilaa imika ah Madacwaynaha Sharciga ah ee Maraykanka Maadaama aanu XilkanWareejin ayaa shaqadii ka eryay Xoghayaha Gaashaandhigga Mark Esper,

 

Isagoo bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in Sarkaalkaas sare ee Ameerikaanka ah uu  “xilkii laga qaaday”.

 

 

Christopher Miller, oo ah madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanta Argagixisada, ayaa durbadiiba xilkaas la wareegi doona.

 

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Mr Trump iyo Mr Esper ay si cad isu khilaafeen todobaadyadii la soo dhaafay.

 

 

Mr Trump ayaanan illaa hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxuuna wacad ku maray in natiijada la shaaciyay uu maxkamad gayn doono.

 

 

Mr Esper ayay Madaxweynaha isku-qabteen isticmaalka Aqalka Cad ee milateriga uu u adeegsaday inay ku cabudhiyaan deganaanshiyo la’aanta ka dhalatay Debedbaxyo loogaga soo horjeedo caddalad darrada midabka ku salaysan ee dhacayay bilowgii sanadkan.

 

Todobaadyo ka hor inta uusan Mr Biden la wareegin xafiiska waa 20 Jannuary -ee, ayaa Mr Trump waxa uu awood u leeyahay inuu go’aanno gaadho.

 

 

Markii Debadbaxyada ay gilgileen Mareykanka Ee ninkii madoobaa ee George Floyd ku dhintay gacmaha booliska magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, bishii May, ayuu Mr Trump waxa uu ku gooddiyay inuu milateriga u adeegsan doono inuu Debedbaxayaasha ku cabbudhin doono .

 

 

Bishii Juun, Mr Esper, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga, ayaa sheegay in laga maarmo in ciidammada milateriga arrintaas loo adeegsado, hadalkaas oo la ogaa in Aqalka Cad uusan ka farxin.

 

 

Iskudhaca kaddib, waxaa aad la isula dhexmaray in madaxweynaha uu xilka ka qaadi doono Wasiirka gaashaandhigga, sidaas oo ay tahayse xilka qaadista sarkaalkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker