Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiillada JSL Oo Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Hargeysa

Inta badan xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo u badan kuwa Mucaaradka ah ayaa hadda Shir Degdeg ah ku leh Hotel ku yaalla Hargeysa.

Inkasta oo aanay Warbaahinta weli la hadal haddana Ilo-xogogaal ah ayaa xaqiijinaya in ay ka shirayaan Falka dhaawac ah ee loo gaystay Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje, oo aan weli Xukuumadda Somaliland soo qaban ninkii dhaawaca u gaystay.

Xildhibaan Guruuje, oo goor hore qoraal soo dhigay ayaa sheegay in dhaawaca loo gaystay ahaa fal mu’aamarad ah islamarkaana ay dawladnimada wiiqayso in aan la soo qaban qofkii isaga waxyeeleeyay.

Somaliland ayay u gub ku tahay in la dhaawaco Xildhibaan Xasaanad leh islamarkaana aan la soo qaban qofkii dhibta u gaystay.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, oo ah ninka dhaawaca gaystay ayaa ka mid ah madax-dhaqameedka Kulmiye taageera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker