Qarax ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee Muqdisho
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Muqdisho ayaa idaacadda VOA u sheegay in galabta qarax uu ka dhacay nawaaxiga xaafadda Marinaayo ee degmada Cabdulcasiis.
Qaraxan kadib ayaa la maqlay rasaas sida ay sheegeen goobjoogayaashu. Ilaa hadda ma cadda bartilmaameedka qaraxa iyo rasaasta xigtay.
Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah, sida ay idaacadda VOA u sheegeen goobjoogayaal.