Xukuumadda M/weyne Muuse Bixii Haku Jifsado Tageerayaashii Doortay
Madaxweyne Muusow maqaamkii iyo Milgahii
Dalkii sowkan hoos galay
Mamuuskii dhaqan, iyo guurtidii talada goynsay
Muranko la’ Mareeyo dhaqankii inoo yaalay
Mareynta Beelaha khilaaf
Mudacyo Lagu taago
Adigoo Mideyn karaa
Hadaad Moos kuwada Oodo
Madaxtooyadii oo xeerbeegtidii
Deyrka la eego
Mucaarid laba laxaadsadey
Dibnimo ku qolo
Marka horree walalaalayaal haddaynu qurbejooga nahay waxaa inala gudboon wanaag iyo talo duco fikrado cafimaad qaba ugu deeqno madaxda qarankeena.
Waxaa kaloo habboon inuu Madaxweynahu go’aan adag, ka qaadto arrimo badan oo gudaha dalka dul-hoganayaa sidaa xiisada xallinta.
Madaama M/weyen Muuse Bixii laggu ogaa nin geed kasta iyo dhagax kasta yaqaan dadka iyo gobolada ka sokow.
Mudnanta kowaad inuu siiyo Arrinta Kornayl Caare una diro, gudidi ka kooban odeyaal dhaqameed ka kooban Beelaha iyo asxaabta Somaliland kalsooni laggu kusiiyo xal nabeed ku dhameeyo waa lagama maarmaan.
Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi inuu oofiyo fuliyo,balantii ahaeyd xaqsoor cadalaad iyo sharciga oo sarreeya kuna Jifsado taageerayaashiisa xilalka sare-sare iyo masabyada dib u eego.
Xisbiyada mucaaridka oo uu wada tashi joogto la’ yeesho isku duubnida iyo danta qaranka ku jirta.
Cali C/laahii Ismaciil Dheeg
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee
Wales, UK.