Pogba Oo Isku Soo Jeediye Indhaha Jamaahiirta ManUn

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer iyo Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa noqday hadal haynta ugu badan ee ka taagan Old Trafford, kaddib markii ay is weydaarsadeen hadallo la xidhiidha xaaladda iyo mustaqbalka laacibka reer France.

 

 

Pogba oo dhaawac soo gaadhay bishii December kaga maqan Manchester United, ayaa waxa uu ku raaxaysanayaa magaalada Dubai oo uu waqti kula qaadanayo qaar ka mid ah asxaabtiisa, xilli uu dhaawaciisana kasoo kabanayo.

 

 

Taageereyaasha naadiga ayaa rajaynayay in Pogba uu kusoo laabto Old Trafford ka hor kulankii Chelsea, laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u sheegay in aanu wali si buuxda taam u ahayn xiddigan, laakiin ma sheegin waqti cayuyiman oo uu soo laaban doono.

 

Kubbad sameeyahan ayaa isku daawanaya tababarihiisa iyo wakiilkiisa oo isla murugsan, waxase xaaladda sii adkeeyey walaalkii oo shalay sheegtay in Paul Pogba uu xagaaga soo socda uga tegi doono United sabab la xidhiidha hammigiisa ah in uu ku guuleysto tartanka Champions League.

 

 

Arrintan taagan kama hadal Pogba, hase yeeshee waxa uu shalay isku soo jeediyey indhaha jamaahiirta kaddib markii uu bartiisa Bulshada ee Instagram soo dhigay sawirro uu ku tamashlaynayo Dubai.

Si kastaba, taageereyaasha United ayaa jeclaan lahaa in laacibkoodani uu ka hadlo xaaladdiisa oo ugu yaraan uu aamusiiyo wakiilkiisa Mino Raiola, isla markaana uu kusoo laabto magaalada Manchester oo uu ku qaato waqtiga uu kasoio kabanayo dhaawaca.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker