Somaliya Oo Ka Qayb Gashay Shir Lagu Dhisayo Isbaahaysi Cusub Oo Sacuudigu Abaabulaayo
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka Qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Afrika ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay Martigelisay Caasimadda Sucuudiga ee Riyadh.
Wasiirrada ayaa waxa ay Saxiixeen Cahdiga Golaha oo loogu gogol Xaadhayo si loo hordhigo Madaxda Wadamada si ay u go’aamiyaan.
Isbahaysiga cusub ee dhidibada loo taagay , Kuwaas oo ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxaana ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.
Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, waxaa la isla fallanqeeyay arrimo ku aaddan habka lagu horumarin karo iskaashi wadaagga wadamada ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha gobolka.