Shirka Golaha Wadatashiga oo dib uga furmay Muqdihso
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta dib uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Shirka oo iyada oo aan wax natiijo ah la baahin horay loo hakiyay kadib maalmo uu ka socday Muqdisho, waxaana la sheegay in uu dib u bilaaban doono 26 ka bishan October.
Xubnihii horay u yimid shirkaan ayaa soo xaadiraty marka laga reebo madaxaweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo isagu ku laabtay Kismaayo ka hor inta uusan dhamaan wajigii hore ee shirka, haatanna aan ku sugnayn goobta.
Sidoo kale shirka ayaa waxaan horay u imaan qaybtiisii hore madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Wixii warar ah oo ka soo kordha halkaan ayaa idinkugu soo gudbin doonaa.