Shir-weyne Lagaga Hadlayay Is-Bedelka Cimiladda Ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaaladda JIGJIGA Ee Xarunta Dawlad-Deegaanka
Hargaysa:(OWN)-Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta ka qaybgalay shirwaynaha Isbadalka cimilada iyo kor uqaadista u adkaysiga xaaladaha abaara ee bulshada xoolo dhaqatada ah, kaasi oo maanta ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga.
Shirkan oo ay iska kaashadeen Jaamacada Jigjiga iyo Machad Daraasaadka, Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada ee geeska africa, Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada DDS, Aqoonyahan kala socday Wadamada Dariska, iyo Urur Goboleed ka IGAD.
Inta uu kullanku socdo waxa la filayaa inay xeel-dheerayaasha Deegaanku lafo-guraan asbaabta abaaraha soo laab-laabtay ee Dhulka Somalida iyo sidii ay looga baaqsan la’ahaa Jarista Geedadka,taas oo dhabaha u xaadha nabaad-guur iyo inuu Dhulku saxaro isu-bedelo.