Qaxooti Somali Ah Oo Ka Soo Laabtay Yemen Ayaa Soo Gaadhay Berbera
Berbera(OWN)- Hay,adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan 140 qof oo muhaajiriina Soomaali ah oo ka yimid dalka Yemen ay dib ugu soo celisay gudaha dalka.
Sarkaal ka tirsan IOM ayaa xusay in qaxootigaasi doonidii siday ay si nabad gelyo ah ugu soo xidhatay dekadda magaalada Berbera ee Somaliland.
Hay,adda ayaa sheegay in qaxootigaasi ay isagu jireen rag ,dumar iyo caruur yar yar oo ku dhibaateysanaa dalka yemen oo colaada xoogan ka jiraan.
IOM ayaa sheegtay in rakaabka soo gaadhay magaalada Berbera ay ka soo baxeen magaalada xeebeedka Cadan ee koofurta dalka Yemen.
Barnaamijkan dib u soo celinta qaxootigaasi Somalida ah ayaa waxaa iska kaashaday hay,addaha IOM, UNHCR iyo dowladda yemen.
Afhayeen u hadlay hay,ada mujaarinta caalamka ayaa xusay in adeegyo caafimaad ay u sameyeen qaxootigaasi markii ay ka soo dageen magaalada Berbera.
Oodweynenews Hargeysa