Xaaladdu Dalka Jabuuti Oo Meel Adag Maraysa Iyo Isku-day Af-gambi Oo Dhicisoobay.

Sidda ay Caddeynayaan Wararka Kala Duwan Ee Kasoo Baxaya Dhinacyadda kala Duwan Ee Taliyeyaasha Ciidamadda Milateriga, Ciidanka gaarka ah ee Jandan-maariga, Booliska, Wasiiro ka Tirsannaa Xukuumadda iyo Saraakiil Ciidan, Ayaa xabsi guri la galiyey, xilalkiina laga qaaday, Waxaana ay diiday Dawladda Jabuuti in ay ka hadasho dhaqdhaqaaqan.

Ilo kudhaw-dhaw dawladda ayaa warinaya in uu jiray xalay isku day Afgambi, ilaa Haddana Xaaladda Dalka Djibouti Iyaddoo aanay daganeyn.

Taliyihii ciidanka Booliska Col, Cabdullaahi Cabdi oo xabsi guri ah ayaa xilkiisii loo magacaabay si KMG ah in usii hayo Zakariye Xasan Aden, oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka gaarka ah.

Taliyihii ciidamada gaarka ah ee hoos utagayey Madaxweyne Geelle ee loo yaqaano Gandermarie-ga ayaa xilkii isna laga qaaday, waxaa loo magacaabay Captan, Hoummad Loita Hoummad oo kasoo jeeda Qowmiyada Cafarta, kana mid ah xubnaha uu ku kalsoon yahay Geelle.

Jen, Zakariye Sh Ibraahim oo ahaa taliyaha Milateriga guud ayaa isna baaris lagu hayaa, waa nin saameyn xoogan kuleh gudaha Jabuuti, xilalka ugu sareeya garsoorka ayay hayaan xubno qoyskiisa kamid ah, dhammaan kama bixi karaan guryahooda cidna uma tagi karto aan aheyn Sirdoon su’aalo weydiinaya.

Warar ayaa cadeynaya in ay baxsadeen xubno sar-sare oo ay kabaxeen dalka Jabuuti, kuwaas oo ay kujiraan xubno aad ugu dhawaa Geelle.

Xigasho :- Farhan Gaylan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker