Xukuumadda Somaliland Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Diwaangeliyaan Ajaanibta U Shaqaysa

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Maroodijeex, ka degmada Hargeysa,Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland iyo laamaha amaanka ee kala duwan ee gobolka Maroodijeex oo uu guddoominaayey Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyey adkaynta amaanka gobolka Maroodijeex ,gaar ahaana xiliga doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo wakiiladda ee dalka ka dhici doona dhowaan, iyada oo sidoo kale kulankan lagaga hadlay roobabka dalka ka da’aaya iyo diwaangelinta dadka ajaanibka ah ee u shaqeeya muwaadiniinta reer Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed iyo Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo markii kulankani soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday shacabka magaaladda Hargeysa iyo kuwa gobolka Maroodijeex-ba in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amaanka ee gobolka Maroodijeex iyo caasimadda Hargeysa.

Ganacsatada dalka iyo muwaadiniinta reer Somaliland ee ay u shaqeeyaan dadka ajaanibka ahi ayay sidoo kale ka codsadeen in ay si deg deg ah laanta Socdaalka Somaliland uga diwaangeliyaan dadka ajaanibka ah ee u shaqeeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker