Qaramada Midoobay oo Shaacisay in wada-hadallo hoose ay u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland
Muqdisho (OWN) – Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland.
James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada ay yihiin kuwo heer sare ah, islamarkaana labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh joogto ah. Waxa uu intaas ku daray in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada.
“Marka ay noqoto xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xidhiidhka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yidhi James Swan.
Swan ma uusan bixin wax faah-faahin oo intaas dheer, mana cadda qaabka ay u socdaan wada-hadallada iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh intaba. Warbaahinta Qaarkeed oo la xidhiidhay labada dhinacba, way diideen inay arrintan ka hadlaan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa la rumeysan yahay inay isku soo dhowaanayeen wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi ay ku kulmeen xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa, 11-kii Febraayo ee sanadkan.