Maxkamadda Hargaysa Oo Laashay Qodob Ka Mid Ah Dacwadii Lagu Soo Eedeeyey Mulkiilaha Astaan Tv.

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Laashay Qodob ka mid ah dacwadii lagu Soo Eedeeyey Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yuusuf.

 

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa laashay mid ka mid ah dhawr qodob oo Xeer ilaalintu ku soo oogtay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yusuf oo muddo bil ka badan ku xidhan Magaalada Hargeysa.

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in saaka oo khamiis ah Maxkamadda gobolku laashay qodobkii koowaad ee kiiskii ay ku soo eedeeyeen Abdiraxmaan Yusuf ee inuu Arrimo basaasnimo ka dhan ah Somaliland, taasoo maalintii koowaad ee dacwada la dhegeysto ay Qareennada u doodayey Guddoomiyaha Astaan ay sheegeen in qodobkaas uu yahay mid u baahan in cadaymo lagu soo lifaaqo, taaso oo Xeer Ilaalintuna ku dooday in aanay cadaymo u ahaayn.

 

 

Dooddan Xeer ilaalinta iyo Qareennada ayuu Garsoorkii Kiiska gacanta ku hayey sheegay inuu isagu qaraar ka soo saaray, taas oo uu maanta soo saaray isla markaana uu meesha kaga saaray qodobka koowaad ee dacwada loo haysto ee ahayd Basaasnimada.

 

 

Xeer Ilaalinta, ayaa la sheegay in ay Racfaan ka qaadatay Qaraarkan Maxkamaddu ku laashay Qodobka koowaad ee eeddooda.

Xeer Ilaalinta ayaa Abdimanaan Yusuf ku soo eedeysay laba qodob oo kala ahaa Basaasnimo iyo arrin la xidhiidha Ruqsada iyo Mulkiyada Astaan TV Hargeysa. Intaas ayaan ka ogahay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker