GOLAHA GUURTIDU KURSIGA GUNNO AYAY U FADHIYAAN EE GARASHO MA HAYAAN. WAXUU CAQLIGA TOOSANI ODHANAYAA 18 JIR IN LAGU FOOTEEYO AYAA KA HABBOON IN 15 JIR LAGU FOOTEEYO.

Bani aadamku waxuu u baahan yahay inuu isweyddiiyo wax walba sababtooda. Haddaanay guurtidu garanaynin, maaha inay wax walba dhaleeceeyaan, oo yidhaahdaan gaalo ayaa lagu dayanayaa.

Waa laga yaabaa inaanay si ballaadhan u eegin arrimaha hortooda yimaadda ase ay garashadooda ka hadlaan.

Ruuxu saddex xaalo ayaa loo oggol yahay inuu maankiisa hadlo oo laga qaato. Ama la adeegsado.

Marka hore waa intuu garasho sabinimo leeyahay, oo aanu baaluqin. Waxuu adeegsadaa isha iyo dhegta wixii kusoo dhaca. Marag ayuu arrin ka noqon karaa ama wax laga wayddiin karaa. Macnaheedu maaha fikir ayuu kordhinayaa, waxayse sheegaysaa, in waxuu marag, ama usoo joogay ka hadli karo.

Marka labaad waxuu noqon karaa markuu baaluqu, ama xilsaar noqon karo, waa marka waxuu gaysto ee same iyo xume ah u si fiican u kala saari karo. Waa marka Eebbe dembigiisa ku ciqaabayo, wanaaggiisana ku abaal marinayo. Waxuu waxuu xil ka saran yahay naftiisa, ama masuul ka yahay.

Waa markuu qaangaadh noqdo, ama sida guurtida qaarkeed ku doodayaan.

Haddaba waxaa jirta mar saddexaad oo ka duwan labadaa xaaladood. Waa marka qofka uu talo ka geli karo, ama masuul ka noqon karo, illaa heer dan ummadeed.

Haddaynu dib ugu noqono waxaynu samaynay xeer odhanaya, madaxweynaha waxaa noqon kara qof da’daa gaadhay, iyo weliba aqoon heerkaa leh.

Ku darso waxaa kale oo aynu cayinaa xilka qofka qaban kara da’diisa, iyo weliba shuruudo kale, oo aynu raacino.

Miyaanay markaa waajib ahayn qofka xilka intaas leeg loo dhiibanayo, qofka codkiisa siinayaa inuu ahaado qof waayo aragnimo u dheertahay qaangaadh miyaanay ahayn inaynu ogaano qof maanta 15 jirsaday inuu wax badan ilduufi karo, si fudud loo jiidan karo, aqoon iyo waayo aragnimo aanu lahayn.

Hadduu qofku 18 jirsado wax badan ayaa u kordhaayo, garasho badan iyo dareen badan ayaa ku soo biiraya noloshiisa iyo fikirkiisaba. Waxuu noqonayaa qof bushada ama ummadda danteeda talo ka gaysanaya. Ruuxu markuu danta ummadda talo ku yeelanayo, ama masiirka ummadeed go’aankeeda qayb ka noqonayo maaha in la yidhaa waa qaan gaadh ee halagu halleeyo. Waa in la eegaa dhibka ka iman kara talada uu ka gaysto wax masiirkii ummadda ku xidhan.

Waxaan odhan lahaa nimanka golayaasha ee arrimahaa u qiil samaynaya waxaa loo baahan yahay in garaadka laga shaqaysiiyo, oo gunnno meesha looma fadhiyo iyo inaad riyadaada isku qanciso inay sax tahaye, aad caqliga ballaadhiso. 15 jir waa qaangaadh, waa masuul naftiisa ah, mase gaadhin heer uu masiirka ummadeed talo lagu kalsoonaado ka bixin karo. Wax badan oo ka da’weyn ayaa meesha laga hadlayaa. Ee maaha in la yidhaa codkiisa ayuu doorasho ku bixinayaa.

 

Eebbe garaadka wanaagsan hayna waafajiyo.

 

Eng. Yousuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker