Dawlada Ethiopia oo Khadkii Enternetka ee Gobolka Oromiya ka Hawada ka Saartay
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxay dowaladda Itoobiya ugu baaqday inay dib u soo celiso Internetka iyo adeegyada mobile-ka ee tan iyo bishii Janaayo ka jarnaa qeyba ka mid ah gobolka ugu ballaaran dalkaas ee Oromia.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa bishii Febraayo sheegay in go’aankaasi loo qaatay arrimo ammaan awgood, maadaama aaggaas ay qulqulatooyin ka sameeyeen kooxo hubaysan.
Dowladda Itoobiya ayaa in ka badan 8 jeer hawada ka saartay internet-ka tan iyo sanadkii 2018, markaasi oo uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha ku guulaystay abaalmarinta nabadda adduunka, Abiy Axmed.
Waxaa kamid ahaa xilliyo ay dibedbaxyo socdeen iyo mar ay ardaydu u fadhiyeen imtixaanaadka dugsiyada sare, xayiraaddaasi oo socotay muddo todobaadyo ah.
Hase yeeshee isgaarsiinta qeybaha galbeed ee Oromiya ayaa hadda hawada ka maqan muddo ka badan laba bilood.
Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Itoobiya ayaa bishii February BBC-da u sheegay in isgaarsiinta jaran ay gacan ka siisay hawlgallada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray kooxaha burcadka ah.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda maanta soo baxday ku sheegtay in xayiraadda ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda dadka deegaannaadaasi, loona baahan yahay in si degdeg ah loo soo celiyo isgaarsiinta.
Itoobiya ayaa isu diyaarinaysa doorasho guud oo lagu wado inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, dad badan ayaana ka cabsi qaba in isgaarsiin la’aanta ay su’aal gelin doonto kalsoonida lagu qabi doono natiijada doorashadaasi.