Kacdoonka Afkaarta cusub: Reer Somaliland, Wada Hadalka & Wax Iswediintu Waa Shidaalka Niyada Wanaagsan Ee Dar Darta Gelisa Kacdoonka Affkaarta Cusub

Riyada midna way rumowdadaa midna way rafaadaa, Muwaadin riyadii Jiritaanka, waddan iyo qaran madaxbanaan oo la yiraahodo Somaliland wuu imanayaa. Riyaduna way rumoobi kartaa marka afkaarta iyo danta shacabku ay midaysmaan.

Reer Soomaliland ama reer Waqooyi ama Qaldaaniin, sidii la doono halay noogu yeedhee, waxaa inagu dhacay wax la yiraado “Lumida Afkaar Guud”. Hadii umad afkaartu isu qaban weydo, waxaa ku dhaca jaahwareer siyaasadeed kaasoo danta qaranka iyo ta shaqsiga labaduba dulminaadaan ama iyagu is dulmiyaan.

Hadaba si afkaar midaysan loo helo, marka hore waa in la ogaado, in hab dhaqankeena siyaasadeed uu weli qabyo yahay, oo aynaan weli gaadhin Nuurkii Bulsahda & Siyaadada, “Social & Poiltical Enlightment” Inaga oo weli ku dhaqana kooxo qabaa’il ah, Inaan hadana nidaam diimuqraadiya oo loogu tala galay qaramo nidaamkeena qabiiliga ah ka soo gudbay taariikh aad u fog, way adagtahy in laga helo natiijo siyaasadeed oo qof waliba ku qanco, hadaan dib u eegis, daraasad iyo baaraandeg joogta ah marwalba gacanta lagu hayn.

In dhar kaa weyn la gashado mar baa daruuftu kugu kalifi, laakiin inaad ku qanacsantahy inuu ku leg yahay oo aan dib loogu noqonayn waa arinta maanta ina haysata. Asxaabtii Sisyaasaduna illaa maanta way keeni la yihiin affkaar siyaasadeed ay kaga gudbi karaan oodaha qabyaalada ee beelaha ay codka kaga doontaan, taasoo nassiib daro soo celcelinaysa in shacabka iyo siyaasiyiinta qaar ka mid ahi ay ku noqoshoda Xamar u arkaan albaab kale, ama ha ahaadeen kuwo daacad ka ah raadin xal, ama kuwo dan gaara wata, qarankana maan habaabiyanya.

Reer Somaliand si ay uga gudbaan siyaasada maanta ina kala qaybisay waxaan is leeyahay afar qodob oo u baahin in wada hadalkoodu uu noqon karo bilawga giraanta wax is weydiinta iyo wada hadalka, kaasoo lagu baadi doonaayo Afkaar Guud oo laga midaysanyahay taasoo isu soo dhowyesa geesaha iyo dhexda bulshada.

“Markii war la helo ayaa talo la helaa” Hadaan isla qaadano in nidaamka diimuqraadiyadu sida uu maanta yahay ina le’ekeyn, taasi waa bilowgii lagu gaadhi lahaa iftiinka nidaam siyaasadeed oo ina wada qanciya. Hadaba afarta qodob aan hoo ku xussi doo ha lasys wadiiyo hana la rogrogo si qotodheer, si bulshadu u bilawdo doonis affkaar cusub.
In la helo gorgortan iyo garnaqsi qoran, diyaar ah oo reer Somaliland, ama reer Waqooyi, wada leeyihiin, kana midaysan yihiin, oo reer Somalia lala hortago, si loo soo afjaro tafaraaruqa iyo kala socdaka, isla markaana albaabada looga soo xidho kuwa dantoota inay gaadhaan keliya u iibinaya danta shacabka reer Somaliland oo marba magaalo Soomliland debedeeda ah, midnomo Soomaaliyeed ka raadinaya, isgoo aan affkaartiisa bulshada jooga Somaliland ku qancin karin.

 

In dhalinyarada iyo waxgaradku bilaabaan aqoon is waarsi iyo wada hadal lagu doonaayo sidii loo heli lahaa Affkaar Guud oo geesaha Somaliland oo dhan ka dhaxaysa taas oo lagu bello siyaasadeedka aan caadaysanay, isla markaana qalbigeena iyo maskaxdeena ka fogeyno afkaar siyaasadeeka ku salaysan qabiil, ama asxaab qabiilaysan.

In si sharci ah loo xakameeyo hadlaka Madax Dhaqameedada ee dhaafsiisan shaqada beelahoodu u igmadeen, lagana mamnuuco faragelinta siyaasada, asxaabta iyo abbaabulka bulshada.
In Diimuqraadiya aan laynoo tolinn, ay ahaato mid u furan ka baaraandeg danbe, maadaama ay qabyaaladii si fudud ugu dhex milmayso.

 

Tan how qaadan mid fudud, in yar ayaa aragti furan la iman karta, intaa yar ee kooban ayaa isbel rasmi ah wadada u xaadhi karta. Isla markaana waa inaan garwaaqsano in isbedelku marnaba kor ka imaneyn, lakiin bulsho hoosaadku noqon karaan giraangirta wareejisa isbeldel affkaaraad dar dar leh, kaa soo baahida guud ee dareenka shacabka oo midaysan dhabarka u saaraysa maamulka.

Markasta oo uu gaabiyo nidaam siyaasadeed ama hanan waayo hankiisii iyo himiladii aasaaka u ahayd, ma aha keliya, amase maba aha, in hogaanku gaabiyey laakiin ka shacab ahaan ayaa hankoodii iyo himiladoodii midayn kari waayney, isla markaana dardartii la gelin lahaa hogaanka ayaa meeshii ka baxday waxaana yimaada karaar jab, hogaankana waxaa ka luma ujeedadiisa dhabta ah ee loo igmaday.
Hadaan shacab nahay, gaar ahaan dhalinyarada, ardayda, waxgaradka iyo aqoonyahankuba waa in aan ciyaarta golayaasha siyaasadeed ee I daawo oo durbaanka ii tun ku kooban, laga DAREERNO, isla markaana waaberi cusub u beryo curin han, himilo iyo hiigsi siyaasad qaran oo lawada leeyahay, laga midaysna yahay, isla markaana cadaalad la jecelyahay salaka ku haysa.

Faraq ayaa u dhexeeya “Waajibka garashada Cadaalada” iyo “Jacaylka Cadaalda”, waa muhiim in la ogaado. Jacaylka cadaalada iyo wanaagu waa shidaalka niyada wanaagsan ee dar darta gelisa Kacdoonka Affkaarta Cusub.

 

 

M.H.H.Mirre
mhhmirre@twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker