Militeriga Soomaaliya oo sheegay in ay ka hortageen Qaraxyo ay soo diyaariyeen Al-shabaab
Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hor tageen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku soo jeeday fariisin ay Ciidamad ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumandooska Dalka Somaliyeed Gorgor ku sugan Deegaanka Masaajid Cali gaduud ayaa sheegay dhexe la fashiliyay gaari nuuca Layla calaawi ah oo la sheegay in Alshabaab ay Qaraxyo ku soo rareen Kuna soo weerareen mid ka mid ah fadhiisimaha Ciidamadaee Degaankaas.
Ciidamada ayaa rasaas ku furay gaariga inta uusan soo gaarin bartilmaameedkiisa oo ahaa Masaajidka Cali Gaduud.