Madaxweynaha kuxigeenka Mareykanka oo ku baaqday inay gargaar dheer ah la gaarsiiyo Gaza
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in dadka Gaza ku nool ay “Gaajo la il daran yihiin” waxyna ku boorisay Israa’iil in ay “si weyn u kordhiyaan qulqulka gargaarka” halkaas gaaraya. Waxay tiri “waa inay jirtaa xabbad joojin degdeg ah ugu yaraan lixda toddobaad ee soo socota”, taasoo “suura galin doonta in la haystayaasha [Israa’iil] ay soo baxaan.
Horaantii, Israa’iil kama aysan qeybgalin wada-hadallada nabadeed ee Masar, iyadoo sheegtay in Xamaas aysan bixin liiska la haystayaasha weli nool.
Xamaas ayaa BBC-da u sheegtay in ay u suurtageli weyday in liiskaas soo gudbiyaan iyadoo duqeymaha Israa’iil awgood .
“Xaqiiqdii, suurtagal maaha in la ogaado cidda weli nool,” ayuu yiri Dr Basem Naim, oo ah sarkaal sare oo Xamaas ah.