Wiilki Godka Ku Dhacay oon Wali laga Soo Saarin.
30 sacadood ka badan wali lama soo saarin Maxamed, rajo badan oo laga qabay inuu soo gaba gaboobo godku ayaan dhawayn maadaama godkiina adkaaday oo uu noqday dhadhaab walina aan lahayn wax raad ah.
Godka Maxamed ku dumay waxaa yaalay alaab sida Matoor, Majarafado, Fuusto iyo qalab ay raggii godka la qodayay ay kaga shaqaynayeen godka walina lama hayo wax raad ah, waa macquul ilaa 10-ka subaxnimo ee saaka in lagaaro.
Rag baa tan iyo xalay ka shaqaynayay inay Maxamed mar uun bal ay nolol ama geeri kusoo saaraan, Alle ajar haka siiyee.