Dawlada Puntland oo Ka Hadashay Wiilka Ku Godoonsan Godka

Dowladdu si dhow ayeey ula socota xaaladda Maxamed Siciid oo uu ku hoos jira God dahab laga qodo oo kusoo dumay, deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, Waxaan la hadalnay dadka deegaanka, Ciidanka deegaanka ku sugana howlgalka gurmadka ayeey ka qeyb qaadanayaan iyadoo Masuuliyiinta deegaanka ku metela Dowladda ay fududeynayaan shaqada socota.
Baahida ugu weyned waxay aheyd in Meshiinada, gaadiidka iyo wiishashka gurmadka kujira Shidaal joogto ah ay helaan, taasi oo loo dhameystiray.
Waxaan la dareenahay dadka deegaanka, ehelada iyo qoyska Maxamed Siciid oo aan so dhow ula socono xaaladooda, Waxaan rajeynaynaa in uu howlgalka si Guul ah kusoo dhammaado, anagoo alle uga baryeyna in Maxamed uu nabad kusoo Badbaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker