Dalka Sucuudiga Haweenay Qof Ay Qaraaba Yihiin Ka Af-Lagaadeysay Teleefan Oo Lagu Xukumay 10 Maalmood Ah !
Dalka Sucuudiga ayaa dhawaan hirgeliyay waxa loo yaqaan Ciqaabta Electronic ah, taasoo ay muttaystaan dadka Af-lagaadada iyo dhaqan xumada u adeegsada baraha bulshada.
Maxkamad ku taalla magaalada Jeddah ee Dalka Sucuudiga ayaa waxay xukun xadhig ah ku xukuntay haweenay adeega Whatss-app-ka ka Af-lagaadaysay haweenay uu dhalay adeerkeed kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf la xidhiidha qoyskooda.
Sida lagu baahiyey Wargeyska Cukad ee ka soo baxa Dalkaasi oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaasi ay ugu horreyn labada dhinac fartay inay heshiiyaan, balse markii ay Arrintaasi midho dhali weyday ayaa waxa loo adeegsaday Xeerka Ciqaabta Electronic ah, waxaana haweenaydaa Af-lagaadada geysatay lagu xukumay xadhig muddo 10 maalmood ah.