Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu isku soo dhiibay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Cabdi Xasan Hulbaale, oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxda Al-shabaab uu isku soo dhiibay ciidmada xoogga dalka ee ku sugan tuulada Maya Faarax ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warrantay wakaaladda warrarka ee SONNA.

Ninkan oo lagu sheegay in uu yahay 40 jir ah ayaa lagu tilmaamay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsana muddo 9 sano ah.

Sida ay warbaahinta qaranka sheegtay hoggaamiyaasha Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka ee howlgallada ka wada qaybo ka mid ah gobolladda dalka.

Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ay dowladda Soomaaliya iclaamisay muddo bilooyin ka hor ayaa sii xoogaysanaya xilli Al-Shabaabna ay wado weeraro ay la beegsanayso saldhigyada ciidamada dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker