Maxaa Ka Jira In Lacag Laga Qaado Dadka U Dhinta Xanuunka Covid-19?
Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Shaacisay Tirada Dadka Hargeysa ugu dhintay Covid-19 bishii aynu soo dhaafnay ee March 2021.
Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali ooย ย Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay 47 Qof Hargeysa ugu dhinteen Xanuunkaas.
Sidoo kale, Khadar Yuusuf Cali ayaa Faah-faahin ka bixiyay xogta ay hayaan dowlad hoose ahaan, isagoona sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in dadka u dhinta cudurka Covid-19 marka la aasayo lacag laga qaado,ย Warar aan rasmi ahayn oo sidaasi sheegayay ayaa maalmihii la soo dhaafay hadal hayntoodu socotay.
Halkan hoose ka dawo warkaas oo dhan.