Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Habka Loo Xalin Karo Colaada Tukaraq.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Deegaanka Tukaraq oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Puntland.

 

Qoraal uu soo dhigay Xasan Sheekh Bartiisa Facebook, ayuu ku soo saaray 5 Qodob oo sida uu sheegay lagu damin karo Colaada Gobolka Sool oo barakicisay Boqolaal kamid ah Qoysaskii deganaa Tukaraq.

 

Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uqornaa Sidan:

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

 

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker