Saddex Caruur ah dhagax-weyni ku soo dul dhacay Hoygii ay ka deganaayeen Magaalada Hargeysa

Saddex Wiil oo ku dhaawacmay Dhagax ku soo dhacay Hoygii ay ka degenaayeen xaafada Karinta Daami ee magaalada Hargeysa.
Abaaro 10 :30 habeenimo ee xalay ayaa Saddex caruur ah dhagax weyn ku soo dul dhacay hoygii ay ka deganaayeen xaafada Karinta Daami ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa markii lagu soo wargeliyay si degdeg ah uga hawlgalay waxaana dhaawacii ay soo gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo hadda lagu dabiibayo. Caruurta ayaa dhaawacu ka soo gaadhay Lugaha, waxaanay da’adoodu u dhaxaysay 5 Jir ilaa 10 sano jir.
Ciidanka Booliska degmada iyo hawlwadeenada heeganka cisbitaalka ayaa iyaguna hawlgalkaa qayb ka ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker