Xaqiiqada Warka ku saabsan Dhacdada Jeelka weyn ee Hargeysa.
Ciidamada illaalada Asluubta ee jeelka weyn ee Hargeysa ayaa ku guulaystay inay dejiyaan Xaalad qasnaan ah oo wakhti kooban soo waajahday Xabsiga dhexe.
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaiijiyay in arintani ka bilaabantay Buuq iyo kacdoon ay marqudha wada sameeyeen Maxaabiista u Xabisan Argagaxisada kuwaasi oo kujira qayb (Block) gaar ah.
Maxaabiista Argagaxisada u xidhan ayaa marqudha buuq ka sameeyay Islamarkaana diiday inay Xeroodaan iyagoo markii dambena dhagax la dhacay Ciidanka illaalada Jeelka.
Illaa laba sargaal oo Ciidanka Asluubta ka tirsan ayay dhaawacyo u gaysteen.
Waxaa markii dambe goobta yimid Ciidamada gaarka u tabanaran ee RRU-da, iyagoo gudaha u galay Xabsiga Islamarkaana rasaas badan isticmaalay.
Waxa ay Ciidanku ugu dambayn ku guulaysteen inay Xaaladda jeelku sideedii caadiga ahayd kusoo noqoto, iyadoo aanay dhicin wax khasaare ah oo ay gaysatay rasaastii badnayd ee dhacaysay marka laga reebo laba sarkaal oo Maxaabiista Argagaxisadu dhagax ku dhaawaceen.