Xukumada oo kulan Dagdaga Ka Gashay Hadalkii Mucaaradka ka Soo Yeedhay
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa la rajaynayaa in uu goor dhaw warbaahinta la hadlo.
Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu shirka jaraa’id ka dhaco ayaa waxa ku sugan Wasiiro xukuumadda ka tirsan.
In kasta oo uu Wasiir Maxamed Kaahin Mar sii horeysay warbaahinta la hadlay hadana waxa uu hadalkan Dambe ku soo beegmay xilli xisbiyadda Mucaaradka ahi ay wax shaaciyeen Goobaha uu ka dhacayo Mudaharaadka Berri.
Goobta Shirka Jaraa’id uu ka dhacayo waxa soo gaadhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)