Somaliya : Qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka

Ugu yaraan 9 qof oo uu kamid yahay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka degmada Marka sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay xarunta degmada, sida laga soo xigtay maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay inay khaarajiyeen gudoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker