Xukun lagu riday Haweeney lagu helay in ay ka tirsanayd Al-shabaab
Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceed Afgarashadu yahay “Faadumo” ayaa maanta lagu riday xukun xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka tirsaneyd Urur-ka Al-shabaab, islamarkaana kaga biirtay deegaanka Ceelasha Biyaha qiyaastii laba sana ka hor.
Deeqo ayaa ku dhalatay degmada Camaaro oo gobolka Mudug, waxaana da’deeda lagu sheegay inay tahay 28-jir, iyadoo laamaha ammaanka ay kasoo qabteen degmada Kaaraan bishii February bilowgii Sanadkan.
Sidoo kale, waxaa la soo qabtay Deeqo Maxamed Xuseen, iyada oo ku guda jirtay Warbixin ka dirista xaaladda Guriga Askari lagu dilay degmada Kaaraan, iyadoo baaritaan la sameeyay Boliiska laga soo helay Gurigeeda Bam gacmeed iyo Bistoolad ku jirta7-xabadood.
Maanta oo khamiis ah ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday Deeqo Xukun 15-sano oo xabsi Ciidan ah.
Warar ayaa sheegaya in Gabadhaan uu Al-shabaabnimo ku tashkiiliyay Nin saaxiib la ahaa Odaygeedii hore oo isna Al-shabaab ahaa, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Yusuf, balse waxaa ay kala tageyn sanadkii 2018-kii, sida ay afkeeda ka sheegtay