Madaxweynaha Soomaaliya oo u safray dalka Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, halkaas oo uu ugu soo qeyb geli doono Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynanaha oo shirkaan lagu marti qaaday, ayaa madaxda kasoo qeyb galeysa ugu warbixin doono fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed., sida ay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegay inuu ahmiyad weyn siinayo kor u qaadidda dhaqaalaha dalka iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliya u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii gudbidsatay codsi ah ka mid noqoshada dalladan, taas oo ay ku mideysan yihiin dalal ku yaalla bariga Afrika, balse dowladda Xasan Shiikh ayaa rajo ka qabta in codsigaan la aqbalo, si bay tiri loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker