Xaflad Si Wayn Loo Agaasimiya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaa habeenki bishan October 13/10/18 Lagu qabtay magalada London xaflada aan loo kala hadhin waxa garada, waayeel,dhalinyaro,oday dhaqameed,haween iyo Aqoonyahanba.


Xafladan oo muujinayasay taageerada,niyada,wanaaga,hididiilada,iyo dareenka wacan ee shacabka Jamhuuriyada Somalilanad ay u hayaan Xisbi weynaha Waddani.
DHULKA WAAN KA SOO FOOCI JIRAY DHOWR ANOO MAQANE.
Waxaan habeenkii xalay hadalo hogo Tusaale iyo taloonyinba iskugu jira halkaas ka soo jeediyay masuuliyiin xildhibaano iyo taagerayaasha Xisbiga Waddani.
Waxaa iyana khudbado dheer oo qiimo badan soo jeediyay Xogahayaha guud ee Xisbiga Waddani Mundane Khadar Xuseen Cabdi.iyo
La taliyaha saxaafada Mudane Muniir Axmed Cigaal.
Ugu dambeyntii waxaa sacab iyo mashxarada lagu soo dhaweeyay gudoomiye cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro.
Waxaanu ka xog waramay xaalada guud ee Jamhuuriyada Somaliland iyo tan mandaqada dalalka aynu jaarka nahay.
Ugu horeyn wuxuu xukuumada u soo jeediyay dhawrista xuquuqda mawaadinka iyo in xukuumadu ilaaliso sharciga joojisan xadhiga xaqdarada ah ee ay caadaystay.
Isla markaasna la soo daayo dhamaan dadka xaqdarada u xidhan sida Axmed Cadib oo maxkamada milateri ay xukunta isagoo qof shacab ah.
Waxaan uu gudoomiye cabdiraxmaan mar labaad ku nuux nuuxsaday in aan Xisbiga Waddani ka noqonayn go’aankii ay ka qaateen komishanka doorashooyinka tanaasulkiina uu ka dhamaaday Xisbiga Waddani.
Dhanka kale gudoomiye ciro wuxuu wasaarada waxbarshada u soo jeediyay in loo cadaalada sameeyo dhalinyarada dhamaan gobolada dalka ee deeqda waxa barasho ka helay dalka Itoobiya.
Xafladaasi waxaa lagu soo afmeeray kor u qaadida rajada shacaka Jamhuuriyada Somaliland oo ku xidhan Xisbiga Waddani iyo ka shaqeynta horumarka dalka gaar ahaan arimaha dibada iyo Aqoonsi raadinta inuu Waddani guntiga
dhiisha iskaga dhigo
CIIDANA UMA MAQNA CEELA UMA QODNA.
Gaba gabadii waxaa Abaal marino kala gedisan la gudoonsiisayay shakhsiyaadkii iyo Laamihii muujiyay dadaalka, kartida iyo waxa qabadka dheeraadka ee kaalmaha hore galay sida:
1.kaalinta kowaad. Magaalada Sheffield
2.Kaalinta labaad. Magaalada Bristol
3.Kaalinta saddexaad Xaafada East London.















Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK.
Sheffield.