Somaliland iyo Maraykanka oo la filayo in ay Gaadhaan heshiis difaac
“Jamhuuriyada Somaliland waxay u sacabtumaysa meel-marinta Golaha Wakiilada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in wasaarada arrimaha dibaddu ay samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixin xidhiidh amaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Xeerkan ayaa sahlaya in Maraykanka iyo Somaliland ay ka wada shaqeeyaan in Maraykanka iyo xulufadiisu ay helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika, si looga hortago joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan, saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka, waxaana la horumarin doonaa ganacsiga.
Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Good, ayaa ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xeerkan, isaga oo golayaasha sharci dajinta Maraykanka ku booriyay in ay gacan ka gaystaan dhaqan galintiisa.
“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa qalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baadhis wakhti ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeena dimuquraadiyadood” ayuu yidhi Good.
Somaliland iyo Maraykanka ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan xidhiidh amaan, kadib booqashadii madaxweyne Biixi ku tagay Washington bishii March, waxa bilowday dadaalo uu Maraykanku ku doonayo in uu heshiisyo difaac iyo dibulumaasiyadeed kula yeesho Somaliland.

