Jeneraal Khaliifa Xaftar oo Isu Cumaamaday Inuu Yahay Madaxwaynaha Libya

Tripoli (OWN) – Jeneral-ka mucaaradka Ku ah Dawlada Libya ee la Aqoonsan yahay  ee Khaliifa Xaftar ayaa si lama filaan ah u sheegtay inuu hadda kadib yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamula waddanka Libya, kadib markii sida uu sheegay ay shacabku siiyeen “sharciyad”.

 

 

Khudbad uu ka jeediyey Taleefishinkiisa Libya ee Al-Hadath TV, ayuu mr  Haftar ka sheegay in Ciidankiisu isku magacaabay “Ciidanka Libya” ay “ku faraxsan yihiin in la siiyey sharciyad Taariikhi ah” oo ay ku hoggaaminayaan Libya.

 

 

“Waxaan ku dhowaaqeynaa aqbalaadda rabitaanka iyo Amarka ramsiga ee shacabka ee ah inaan soo geba-gebeyno Heshiiska Sukheyrat,” ayuu yidhi isaga oo ka hadlaya heshiiskii 2015 ay QM dhex-dhexaadisay ee lagu soo dhisay dowladda Heshiiska Midnimada Qaranka (GNA).

 

 

“Hoggaamiyaha dhabta ah ee Libya Maamuli doona waa Aniga, Mas’uuliyadda muwaadiniinta Libya aniga ayay qoorta ii saaran tahay.”

Hadalka kasoo yeedhay Jeneraalkan ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii guul darrooyin is xig-xigay la dhaxal siiyay maleeshiyaadkiisa dagaalka kula jira dowladda la aqoonsan yahay, oo taageero ciidan ka heleysa Turkiga.

 

 

La-taliyaha dowladda GNA ee QM ay aqoonsan tahay ayaa diiday khudbaddii Haftar ee Isniintii. “Haftar waxa uu mar kale dunida tusay damaciisa kali-talisnimo,” ayuu yidhi Mohammed Ali Abdallah.

 

 

“Hadda kadib iskuma dayayo inuu qariyo sida uu u neceb yahay xal siyaasadeed iyo dimoqraadiyad ay Libya hesho. Hadalkiisa caawa waa kii ugu dambeeyey, ficil naf la-caarinimo ah oo kasoo baxay nin laga adkaaday,” ayuu yidhi.

 

 

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa kasoo horjeestay is-magacaabista uu sameeyey Jeneral Xaftar, waxayna sheegeen in ay taageerayaan wada-hadallo dha xmara dhinacyada isku haya maamulka Lbya.

 

 

 

Jeneral Xaftar ayaa wada muddo 6 sano ah dagaal uu ku doonayo inuu ku qabsado Tripoli, hase yeeshee meelna u dhaqaaqi waayey, waxaana ku naf waayey boqolaal qof, ayada oo ay ku barakaceen qiyaastii 200,000 oo qof.

 

 

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Muammar Qadaafi 2011,  waxaa xukunka Libya isku heysto laba awoodood  oo kala ah Taliyihii Militariga ee Bariga Libya Jeneral Haftar oo soo rogaal celiyey isagoo garab ka helayo Dowladaha Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo Dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ee Tripoli ka dhisan, oo ay taageeraan Qatar iyo Turkey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker