Gudidii lagu sheegay inay Matalayaan soo Xulista Xildhibaanada Somaliland oo Heshiis laga Gaadhay

MUQDISHO —

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa ku heshiiyay Guddiga hirgalinta Doorashada ee xubnaha labada Aqal, kaas oo in muddo ah uu ka taagnaa khilaaf xooggani, kadib markii ay u kala jabeen laba garab.

Qoraal ka koobnaa Afar qodob oo ay si wadajir ah u soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuled ayaa lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaadhay murankii guddiga doorashada Somaliland.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in labada dhinaca isku afgarteen in la mideeyo labada guddi, isla markaana garabka Cabdi Xaashi ay oggolaadeen inay qaataan guddoomiye ku xigeenka guddiga, madaxa amniga iyo isu-duwidda howlaha guddiga doorashada.

Heshiiskan ayaa sidoo kale dhigaya in si dhakhso ah loo gudagalo hirgalinta doorahada kuraasta labada aqal.

Bishii hore ayaa garabka uu magacaabay Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ay guddoomiye u doorteen Khadar Xariir Xuseen doorasho ka dhacday Afisyooni, waxaana ka maqnaa afartii xubnood ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashada Khadar Xariir Xuseen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker