Wasaaradda Warfaafinta Soomaliland Oo Noqotay Wasaaradda Ugu Musuqmaasuqa Badan Wasaaradaha Dalka.

Musuqmaasuq waa ku- tumashada awood laysku aaminay si faa’iido gaar ahaaneed loo gaadho โ€“ marar badan ayaa la sheegay in madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaliland ay lunsadeen lacago aad u fara badan.
Intii uu yimid Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaliland Maxamed yuusuf Ismaaciil waxa uu u badheedhay inuu lunsado lacagaha wasaaradaasi ay soo xareyso ee ka yimaada Iidhehyada laga baahiyo Radio Hargeysa , TV-ga Qaranka Somaliland SLNTV, Iyo Lacago kale oo loogu talogalay mashaariicda kala duwan ee wasaaraddaas.

Agaasime maxamed Yuusuf ayaa la sheegay inaanuu lahayn aqoonteeda iyo khibradeedaba xilka uu hayoย  taasoo kaliftay isdhexyaac badan oo ka muuqda maamulka wasaaraddaas,ย  , Halka wasiir Saleebaan Cali Kooreย  uu inta badan ka maqan yahay wasaaradda oo la odhan karo wasiir isaga magacaaban oo kaliya.

Waxaaa Wasaaradan ka jirtaย  furfurnaan laโ€™aan xaga macluumaadka, xuriyad maaliyadeed ee madaxda sare, iyo lahaansho laโ€™aanta wasaaradan ee siyaasad ka hor tagta musuqmaasuqa.

Warbaahinta kala duwan ayaa sanadkan oo dhan soo bandhigayey muuqaalo iyoย  qoraalo kala duwan ay kuย  iftiiminayeeenย  musuqmaasuqa ka jira masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta somaliland Wasiirย  Saleebaan Cali Koore iyoย  agaasimaha Maxamed Yuusuf .

Siyaasaddu waa sida ugu fudud ee lagu kasbado lacag aad u badan muddo yar gudaheeda. Musuqmaasuqu wuxuu noqday caqabad hortaagan horumarka dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker