“Xaalada Bani’aaddanimo Oo Xabsiga Madheera Taal !” Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Ee Xisbiga WADDANI.

Maxamed Sidiiq Dhamme Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Qaylo Dhaan Weyn Ka Muujiyey Xaalad Adag Oo Dhanka Bani’aaddanimadda Ah Oo Taalla Xabsiga Degmadda Man-dheera Ee Gobolka Saaxil.

Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme Oo Arintan Ka Hadlayaa, Wuxuu Yidhi Siddan “Xaalada Bani’aaddanimo Oo Xabsiga Madheera Taal ! Waxa ku xidhan Xabsiga Madheera Maxbuus Daahir Qaasin Cabdalle, da’adiisu waa 45 jir, wuxuu xidhnaa 16 sano, wuxuu u xidhan yahay Mag qiimaheedu yahay $2000, Somaliland kuma laha ehel iyo qaraabo ka bixiya Magta uu u xidhan yahay muddada dheer. Daahir wuxuu kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, wuxuu haystaa Diinta Islaamka. ummad ahaan xilbaa innaga saaran xorriyadda Daahir. waxaan ka codsanayaa Muxsiniinta iyo dadka wanaaga jecel in ay iska kaashadaan Furdaaminta Daahir. Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka waxaanu u diraynaa qaylo dhaan in Maxbuuska loo gurmado”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker