Maxkamadda Ciidamada Somaliya oo kun ku riday xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ayaa Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun waxa ay ku Xukuntay 15 -sano oo Xabsi Ciidan ah kadib markii Maxamed Cusmaan Dhagaxow lagu soo qabtay isagoo oo qarax usoo waddo magaalada Muqdisho

Maxamed Cusmaan Dhagaxowa ayaa    Bajaajtiisa waxa ay kula Qaraxday, Tabeelaha Sheikh Ibraahim kadib markii uu soo qaday Qarax uu usoo waday magaalada Muqdisho.

Muddo ay Nabad-Sugidda Daawaynaysay, waxaa Maxkamadayntiisa ay bilaabantay Horaantii June bishan aynu ku jirno sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda.

Sidoo kale Maxamed ayaa “Spare parts” agabka Gawaarida iyo Qaraxyada  Alshabaab u kala Gudbin jiray sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda.

Waxa ay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in Maxamed uu Dagaalamayasha Al-Shabaab kusoo biiray 2019-kii, isagoona kasoo galay Magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka hiiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker