Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Saaka Safarkiisii Ugu Horeeyey Baxay Gobalada Bariga Somaliland.

Hargaysa-(OWN)-Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay Saaka muddo sanad ah oo uu hayey talada dalka waxaa uu safar ugu baxay gobalada Bariga Somaliland .

Safarkan madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaya xubno ka mid ah golihiisa wasiirada , taliyayaasha ciidamada , halka ay wasiiro kala-na ay hore u sii joogeen oo ay ka sii horeyeen .

Wararka  ayaa shegay in safarkan madaxweynuhu uu hada ku waajahan yahay magaalada Burco oo uu xadhiga ka soo jari danno mashaariic laga hir galiyey oo uu ka mid yahay jeelka magaalada Buri

Ilaa hada ma kala cada in uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo in uu dib uga soo laaban doono .

Image may contain: car and outdoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker