11 shaqaale ah oo lagu dilay Woqooyiga Galbeed ee Pakistan

Warrarka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in koox hubeysan oo xagjir ah ay ku dileen gobolka Khyber Pakhtunkwa11 shaqaale ah oo ku socday mashruuc dhisme oo laga hirgalinayay gobolka xuduuddda Afganistan ku yaala ee Waziristan.

Qarax la ayaa lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen shaqaalahani, kaas oo marayay Woqooyiga Khyber Pakhtunkwa.

Ra’isul Wasaaraha xil gaarsiinta ee xukuumadda Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter soo dhigay fariin u uku cambaareynayo dilka shaqaalaha aan waxba galabsan ee uu sheegay inay gaarayaan 11, kuwaas oo lagu dilay weerar argagixiso.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lagau dilay 11 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker