Guddidii Xisbiga WADDANI Oo Ku Dhawaaqday Liiska Musharraxiinta Golayaasha Degaanka.

Guddida kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku dhawaaqay in ay soo gebo-gabeeyeen kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka ee dalka JSL ee uga tartami doonna Xisbiga WADDANI.
Guddoomiyaha Guddida Kala saarista Iyo Soo xulista Musharaxiinta Xisbiga WADDANI, Ahna Guddoomiyaha Ku Meel gaadhka ah ee Xisbiga Md Xil Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen howshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod, isla markaana ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker