Colimada Ahlu-sunna Waljamaaca oo soo saartay go’aanno ka kooban 10 qodob
Dhuusamareeb (OWN) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa soo saaray awaamiir culus oo la Xidhiidha amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Saraakiisha ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanno ka kooban illaa 10 qodob, kuwaas oo wax lagaga qabanayo nabad galyada.
Qodobada ayaa u qoran Sidan :
1- Muwaadinka iska iibinaya gaadhigiisa, kuna sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu ku soo wargeliyaa Xafiisyada qaabilsan diiwaangelinta gaadiidka ee labada xafiis
2- Qofka leh gaadiidka waa in uu gaadhigiisa ku xidhaa Taarikada maamulka lamana ogolaan doono gaadhi aan laheyn Taariko oo ah aqoonsiga uu gaadhigu ku shaqeeyo.
3- Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadad guri ku yaalla Caasimada Dhuusamareeb rabana inuu kiraysto (kireeysto) waa inuu la soo xidhiidhaa ama tago talisyada hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida degaysa guriga sida, shirkad, hay’ad, INGO, mas’uuliyiin ama shaqsi oska caadi ah.
4- Cidii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyada ayaa mas’uul ka noqon doonto wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaas oo la xidhiidha arrimo nabadgelyo darro.
5- Qofkii la qabto, isaga oo hub ku dhex wata magaalada Dhuusamareeb sida Qori, Bistoolad, ama Bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee ku sugan Dhuusamareeb.
6- Gaadiidka ay ku dhegan yihiin muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaan geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow.
7- Gaarigii ku dhex socda xawaare ama karaar kabadan 20 saacad socodka gaadhiga gudaha magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qeyb qaadanaya qalqal galinta amniga.
8: Qof walba waxaa laga codsanayaa inay si buuxda ula shaqeyso hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo badqabka muwaadinka naftiisa iyo maalkisa intaba.
9- Qofkii arka gaari, goob, ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si Loo baajiyo qatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusamareeb.
10- Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qeybaha ciidanka ee soo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin is-maandhaaf iyo isku ekeyn xiliyada howlgalladu socdaan.
Go’aannadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.
Wa bilaahi tawfiiq