Xalada Magalada Qudus oo Maanta Kacsan
In ka badan kun qof oo Yahuud ah ayaa galay barxadaha Al-Aqsa iyagoo ay ilaalinayaan ciidamada Israaโiil, waxaana lagu wadaa inay socod ku maraan goobaha Muslimiinta ee magaalada qadiimiga ah ee Quddus iyadoo ay Falastiiniyiintu ka digayaan inay sababi karaan rabshado.
Dabaaldegga calanka ayaa ku beegan maalinta Qudus ee Israaโiil, taas oo u dabaaldegaysa qabsashadii ay bariga Quddus ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.
Israaโiil waxay Qudus oo dhan u haysataa inay tahay caasimaddeeda, taasoo ay diideen dalalka badankooda iyo Falastiiniyiinta.