MEEL KA DHACA MAAREEYAHA WADOOYINKA SL

Adduunkan aynu waqtigan joogno waxa laga yaabaa inaad maalin walba la arko ama la maqlo dhacdooyin ama hadalo ku yaab geliya. Waxay ahayd galabnimadii maalintii Jimcaha ee bishu ahayd 5/10/18 anigoo daawanaya warkii TV-ga, Ayaa waxa soo galay nin la yidhi wuxuu maareeye ka yahay wadooyinka Somaliland oo taagan biriishka Hargeysa agtiisa oo halkaa ka caayaya kana af-lagaadaynaya Wasiirka iyo Wasaarada Hawlaha guud ee Somaliland. Kadibna aad baan ula yaabay hadalada qaawan ee foosha xun ee ninkaa maareeyaha dawladeed sheeganayaa uu meeshaa ka yidhi.

Runtiina  ninkaa maareeyaha dawladeed sheeganayaa wuxuu meel weyn kaga dhacay milgihii iyo “code of conduct” dawladnimo, mar hadii isagoo maareeye ah oo xil dawladeed haya uu si toosa media uga caayay Wasiir ka sareeya iyo wasaaradii hawlaha guud ee qaranka.

Sidaa darteed, shacabka SL wuxuu ka sugayaa M/weynaha SL inuu qaado talaabo ku haboon oo maamuus ka xayuubin dhakhso leh ku sameeyo ninkaa maareeyaha ah ee anshax xumadaa weyn ku kacay.

 

Maxamed Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker