Wiil Uu Dhalay Madaxweyneha Uganda Oo Looga shakiyay In Uu Aabihii Afganbiyayo
Maxkamadda dastuuriga ah ee Uganda ayaa weeydiisay wiilka madaxweynaha dalkaasi Jeneraal Muhoozi in uu ka jawaabo eedeymo loosoo jeediyay oo ah in uu ku jiro dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed xilli uu hayo xilka ugu sareeya ee ciidamada dalkaas.
Garyaqaan xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Gawaya Tegulle ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad sheegaysa in Muhooza uu ku jiro siyaasadda, isaga oo islamarkaasi ah taliyaha guud ee ciidamada, taas oo uu sheegay in aysan ahayn mid sharci ah.
Wuxuu doonayaa in lagu soo oogo dacwad khi
iyaamo qaran ah, maadaamaa uu ku dooday garyaqaankan in uu khiyaamayo aabihii, doonayana in uu xilka kagala wareego aabihii siyaabo sharci daro ah ama khiyaamo ah.
Jeneraal Muhooza ayaa dhowaan ku dhowaaqay in uu bilaabayo olole siyaasadeed, waxaana la isla dhexmarayaa hadal hayn ah in uu qorsheynayo in uu aabihii xilka ka dhaxlo.
8-dii Maarso ayuu iska casilay xilka ciidamada, balse waxaa arrintaasi ka diiday aabihiis.
Musavani ayaa horey u beeniyay in uu wiilkiisa u diyaarinayo in uu dhaxlo.
Bbb