𝘾𝙪𝙙𝙪𝙧 𝘾𝙪𝙨𝙪𝙗 𝙊𝙤 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙖𝙧𝙠𝙖𝙮 𝙄𝙣𝙜𝙞𝙧𝙞𝙞𝙨𝙠𝙖

Qof ku sugan dalka Ingiriiska ayaa laga helay fayras lagu magacaabo monkeypox, sida ay sheegtay waaxda arrimaha caafimaadka ee UK.

Qofka laga helay feyraskan ayaa dhawaan u safray dalka Nigeria, halkaas oo la rumeysan yahay in uu kasoo qaaday fayraska ka hor inta uusan imaan UK, ayay tiri hay’adda caafimaadka.

Waxaana haatan bukaanka lagu daweynayaa xarunta lagu qaabilo bukaanada uu ku dhaco cudurrada faafa ee ku taalla isbitaalka NHS ee London.

Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.

Waxay sheegtay in feyraskan uusan si fudud ugu dhax fidin bulshada isla markaana ay aad u hooseyso halista uga imaan karto bulshada.
Bbc

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker