Safarkaygii Muuse Biixi Iyo Muddo kordhin Siilaanyo Loo Sameeyo Sidduu U Diidannaa/Waxa Qoray Muniir Axmed Cigaal.
Waxaanu joogna Garoonka Diyaaradaha, safar ayaanu wakhtigaas u baxaynay, dhammaantayo Kulmiye ayaanu wada ahayn inta halkan idinka muuqata. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaanu aad u sii sheekaysanay intii safarka. Muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilka hayay ayaa la hadal-hayay. Dhacdada aan xasuusteedu ka bixin madaxayga ee aan maalintaas ka guntay Muuse Biixi waxay ahayd, isagoo Kulmiye guddoomiye ka ah madaxweynaha fadhiyay ee xilka hayayna Kulmiye yahay, wuxuu mawqifkiisa muddo kordhintu ka fogaa oo uu kaga adka Xisbiga Mucaaridka. Waayo Mucaaridku ilaa maxkamad in la saaro Madaxweynaha mayqabin manay shaacin wakhtigaas wayse diidanayeen.
